Madaxweynaha Jubbaland oo kulan sagootin ah qaatay Xulka kubada cagta Jubbaland

HomeWararka

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan sagootin ah qaatay Xulka kubada cagta Jubbaland

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka Xarunta Madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatay xulka kubada cagta Jubaland ee

Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Midowga Afrika oo taageeray qorsho ay horay u diiday dowladda Soomaaliya
Wasiir Taardhuleed: “DFS iyo NISA Ninka ONLF ee ay Xasbsiga Kala Baxeen ha soo Cesheen” (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka Xarunta Madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatay xulka kubada cagta Jubaland ee ka qaybgalaya tartanka Dowladaha xubnaha ka ah JFS ee dhawaan ka bilaabanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynaha ayaa Xulka Jubaland u rajeeyay in mar kale ay guulo ka gaaran tartankan isagoo ku booriyay inay la yimaadan ciyaar wanaag sidii lagu yaqaanay.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Jubaland ay caan ku ahayd ilaa xiligii bari samaadka guulaha tartamada kubada cagta isla markana loo baahan yahay taas in la ilaaliyo sidii ay u noqon lahayd wax sii jira.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dadaalka ay muujiyeen mudadii ay socotay diyaar garoowga xulka isagoo xusay in ay ahayd shaqo muhiim ah tababaradii iyo carbintii xulka uu ku jiray wakhtiyadii lasoo dhaafay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: