Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay weraarki kadhacay Hiiraan

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay weraarki kadhacay Hiiraan

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si kulul uga hadlay weerarka bahalnimada ah ee ay kooxda argagixisada Al-Shabaab ku laayeen dad rayid ah, kuna gubeen 7 gaari iyo hantidii saarnayd, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

“Waxaan murugada la qeybsanayaa ehelada dadkii ay jeclaayeen ku wayay musiibada ka dhacday Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle halkaas oo kooxaha argagixisada ah ay ku xasuuqeen dad shacab ah oo ay ku jiraan caruur aan waxba galabsan.

Al-Shabaab waxaa ka go’an inay dilaan qof walba oo inaga mid ah oo ay ku jiraan caruurta iyo haweenka si aan kala sooc lahayn wadada kaliyah ee inoo furan Waa in si wadajir ah aan ugu midowno dagaalkooda iyo in aan ka saaro guud ahaan dalkeena.

Waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolkaas inayna ka niyad jabin dadaaladii ay sida iskood ah u wadeeen ee la xiriiray dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Habka kaliyah ee Argagixisada aan kaga adkaan karo waa in la qaado howlgalo midaysan oo ay u dhan yihiin Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyo istiraatijiyad amni oo midaysan.” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com