Madaxweynaha Jubbaland oo amaanay mataanaynta Magaalada Kismaayo iyo Magaalada Antalya ee wadanka Turkiga

HomeWararka

Madaxweynaha Jubbaland oo amaanay mataanaynta Magaalada Kismaayo iyo Magaalada Antalya ee wadanka Turkiga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ka sagootiyay wafdi balaaran oo kaso

Sawiradda Xafladdi caleemasaarka Madaxweynaha PL iyo ku xigeenkiisa
Xulashada Daljir & Jaamac C/raxmaan , Daljir Garoowe (dhegayso)
Barnaamijka Muuqaalka Bulshada, Xanuunada ka dhasha caagadaha lagu shubto Caanaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ka sagootiyay wafdi balaaran oo kasocday wadanka Turkiga oo booqasho shaqo ku yimid Jubbaland.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ahayd indho indhaynta goobo kala duwan oo mashaariic ay ka fulinayaan iyo Barnaamijka mataanaynta Magaalooyinka Kismaayo iyo Antalya oo ah Magaalo ku taala wadanka Turkiga isla markana meelo badan ay labada Magaalo iska shabahaan.

Wafdigan ayaa waxaa intuu joogay Jubbaland wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay qaabkii Turkigu uu ku bilaabi lahaa mashaarciida uu ka fulinayo Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dhamaan waxyaabahii laga wada hadlay ay miro dhal nqodeen isla markana mar dhow ficil loo badali doono.

Madaxweynahu wuxuu amaanay mataanaynta Antalya iyo Kismaayo oo uu xusay in ay tahay qorshe weyn oo ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo.

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in wafdigan ay dhawaan tagi doonan meelo kale oo Jubbaland kamid ah oo mashaariic laga fulinayo isagoo amaanay sida Dowlada Turkiga ay uga go’an tahay in tageeradeeda ay gaar siiso dhamaan wadanka.

Safiirka Turkiga Olgan Bekar ayaa dhankiisa ka mahad celiyay soo dhawayntii qiimaha lahayd ee lasoo sameeyay isagoo hoosta ka xariiqay in dhamaan waxyaabahii la isku afgartay ay sida ugu dhow u fulin doonan gaar ahaan adeegyada hormarinta oo ay ugu weynatahay mataanaynta Magaalada Kismaayo iyo Magaalada Antalya

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: