Madaxweynaha Jabuuti oo faahfaahiyeey wadahadalada Somaliland & DFS

HomeWararka

Madaxweynaha Jabuuti oo faahfaahiyeey wadahadalada Somaliland & DFS

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dalka Jabuuti Maanta uu marti galin doono Shir u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, islam

Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti
Qoondadii xajka ee Puntland oo la iibsaday iyo markii hore sida loo qaybiyay (dhegayso)

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dalka Jabuuti Maanta uu marti galin doono Shir u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, islamarkaana looga hadli doono Masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in uu shirkaan ku casuumay sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Waxaa uu xusay in dalka Jabuuti ay ka go’an tahay in xal loo helo dhibaatadda labada dhinac.

“Maanto Axad ah dalka jabuuti, waxaa uu shir gudoomin doonaa kulan dhexmara Madaxweyne Maxamed C / llaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si aan ula socono dadaalada dhexdhexaadinta ee labada hogaamiye. Waxaan sidoo kale ku casuumay Raiisul Wasaare Abiy Ahmed inuu ka soo qeyb galo wadahadalada”ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.

Somaliland ayaa dhankeeda xaqiijisay in shirkaan uu ka qeyb gali doono Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: