Qoondadii xajka ee Puntland oo la iibsaday iyo markii hore sida loo qaybiyay (dhegayso)

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sanadkan Soomaaliya u ogolaatay inay kasoo xajiso kow iyo toban kun iyo shan boqol oo qof, waxaana dowladda faderaalka ay u tartansiisay inka badan konton shirkadood oo loo saaray inay xajka u tartamaan.

Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa kusoo aaday shan kun iyo afar boqol, halka afar kun iyo shan boqol ay kusoo aaday Somaliland, laakiin Puntland oo markii horeba lasiiyay kun iyo lix boqol oo xaaji ayaa markii dambe dib looga iibiyay shirkado ku yaala magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa, taasi oo ka dhigtay in xujayda Puntland ee sanadkan oo wali fiisaha loo saarin ay kusoo hagaagaan afar boqol oo qof oo shaki laga qabo inay fiisaha usoo bixin.

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo warbaahinta Daljir la hadlay ayaa sheegay dadkii Puntland ku malatayay qoondooyinkaasi inay iyagu dirsan oo ay ahaayeen wax ay dowladda faderaalka Soomaaliya iska maamulatay.

Wasiirka ayaa xusay digniinahan inay horay usoo saartay Puntland, balse aan waxba laga qaban.

Hoos kadhegayso Maxamuud Cabdi Ibraahim oo waraystay.

Xujayda Soomaaliyeed ayaa horay uga cabanayay qiimaha xaajiga oo qaali ah, marka lala barbardhigo dalka intiisa kalle.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com