Madaxweynaha Israel oo ka gudoomay warqadaha aqoonsiga Safiirka dalka Imaaraadka Carabta

HomeWararka

Madaxweynaha Israel oo ka gudoomay warqadaha aqoonsiga Safiirka dalka Imaaraadka Carabta

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Israel Mohamed Al Khaja ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Israel Reuven Rivlin. Madaxweynaha Israa’

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo gacanta ku dhigay horjoogayaal katirsan Alshabaab
Puntland oo qaadacday Sharciga Doorashooyinka
Beesha Cigaal Naaleye oo gurmadkii labaad oo Ciidana keenay Laascanood

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Israel Mohamed Al Khaja ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Israel Reuven Rivlin.

Madaxweynaha Israa’iil Reuven Rivlin ayaa si rasmi ah u qaabilay safiirkii ugu horreeyay abid ee ka socda Imaaraatka, ka dib heshiiskii ahaa ee sanadkii hore ay wada galeen dalalkan si loo hagaajiyo xiriirka.

Khaja ayaa ku qoray bartiisa Twitter-ka, “Waxaan maanta u imid Tel Aviv anigoo ah Safiirkii ugu horeeyay ee Imaaraatka u fadhiya Israel waxaan la kulmay Gabi Ashkenazi, Wasiirka Arimaha Dibada ee Israel, waxaan ka wada hadalnay kor u qaadida xiriirka labada dal tan iyo markii la saxiixay heshiiskii Abraham, sidoo kale iyadoo la xoojinayo iskaashiga dhinacyada kala duwan. ”

Khaja waxa kale oo uu yiri, “Maanta, waxaan sharaf u yeeshay in aan waraaqahayga aqoonsiga u gudbiyo Mudane Reuven Rivlin, Madaxweynaha Israa’iil, aniga oo noqday Safiirkii ugu horreeyey ee Imaaraadka u fadhiya Israel. Waxaan rajeynayaa inaan matalo dalkayga aan jeclahay oo aan ka shaqeeyo xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labadeena dal. ”

Diiwaanka Warraka Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: