Site icon Radio Daljir

Madaxweynaha Israel oo ka gudoomay warqadaha aqoonsiga Safiirka dalka Imaaraadka Carabta

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Israel Mohamed Al Khaja ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Israel Reuven Rivlin.

Madaxweynaha Israa’iil Reuven Rivlin ayaa si rasmi ah u qaabilay safiirkii ugu horreeyay abid ee ka socda Imaaraatka, ka dib heshiiskii ahaa ee sanadkii hore ay wada galeen dalalkan si loo hagaajiyo xiriirka.

Khaja ayaa ku qoray bartiisa Twitter-ka, “Waxaan maanta u imid Tel Aviv anigoo ah Safiirkii ugu horeeyay ee Imaaraatka u fadhiya Israel waxaan la kulmay Gabi Ashkenazi, Wasiirka Arimaha Dibada ee Israel, waxaan ka wada hadalnay kor u qaadida xiriirka labada dal tan iyo markii la saxiixay heshiiskii Abraham, sidoo kale iyadoo la xoojinayo iskaashiga dhinacyada kala duwan. ”

Khaja waxa kale oo uu yiri, “Maanta, waxaan sharaf u yeeshay in aan waraaqahayga aqoonsiga u gudbiyo Mudane Reuven Rivlin, Madaxweynaha Israa’iil, aniga oo noqday Safiirkii ugu horreeyey ee Imaaraadka u fadhiya Israel. Waxaan rajeynayaa inaan matalo dalkayga aan jeclahay oo aan ka shaqeeyo xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labadeena dal. ”

Diiwaanka Warraka Radio Daljir.com.

Exit mobile version