Madaxweynaha Hir-Shabeelle & taliyaha xoogga oo gaaray degaanka Masaajid Cali Gaduud

HomeWararka

Madaxweynaha Hir-Shabeelle & taliyaha xoogga oo gaaray degaanka Masaajid Cali Gaduud

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yusuf Raage iyo Wasiir kuxigeenka Wasaarada

Warka Fiidnimo iyo Faadumo dagan, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Xildhibaan Mahad Salaad: “ Sharciga Batroolka uu saxiixay Madaxweynaha ma soo marin habraaca sharci dejinta”
Warka DDM iyo Wariye Iqro Aragsan (Daawo)

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yusuf Raage iyo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaaashaandhiga Soomaaliya Abdifatah Kasim ayaa gaaray Degaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo dhawaan laga xureeyey Al-Shabaab

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo Maalmahan ku sugnaa Degaanka iyo saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa kuso dhaweeyey Degaanka

Mas’uulyiinta ayaa si wadajir ah uso indha indheeyey xaalada Degaanka oo muddo badan gacanta ku hayeen Al-Shabaab, balse dhawaan degaankaas laga saaray.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan oo warbixin siiyay madaxda ayaa sheegay xaalada degaanka ay tahay mid Amni ah oo leysku haleynkaroh

Gudoomiyaha ayaa sido kale xusay in shacabka ay u baahanyihiin gargaar iyo in Degaanka laga hirgiliyo Adeegyada aas aasiga ee Bulshada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: