Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ku baaqay in loo Midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

HomeWararka

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ku baaqay in loo Midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta booqday goobihii ku burburay qaraxyadii Al-Shabaab dhawaan ka geysteen e

Shacabka Muqdisho & Falcelinta Heshiiskii Itoobiya & Somaliland
Amiirkii dalka Kuweyd oo Maraykanka ku geeriyooday
Kooxda Alshabaab oo sheegay inay dileen Saraakil Katirsan Ciidamadda DFS

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta booqday goobihii ku burburay qaraxyadii Al-Shabaab dhawaan ka geysteen ee magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Guudlaawe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhibaato aad u baaxad weyn ay ka dhacday goobihii qaraxyada, isaga oo sheegay in Al-Shabaab ay ummadda Soomaaliyeed aysan aheyn kuwo u turaayo, isla markaana ay bur buriyeen hanta ay lahaayeen Shacab Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in dad danyar ah ay hantidoodii ku waayeen goobihii qaraxyada ayna yihiin mid ka weyn dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, loona baahan yahay in heer qaran iy mid Soomaaliyeed loogu soo gurmado dadka hantidooda ku waayay qaraxyadas.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Al-Shabaab xilliaan waqtiooda uu dhamaaday, isla markaana dhawaan guud ahaan dalka oo dhan laga saari doono, isaga oo ugu baaqay inay Shacabka Soomaliyeed u midoobaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0