Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo safar dhulka ah ugaga baxay Dhuusamareeb

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo safar dhulka ah ugaga baxay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa safar dhulka ah goordhow ugaga ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maam

Warbixin dilka sarkaal Madaxtooyada Bossaso (dhegayso)
Al-fanaan Cabdirisaaq Aakhiro & qaar kamid ah hobalada waaberi ayaa ka hadlay geerida Marxuum Axmed Naaji Sacad
Waxbar gabadha oo ciribtir faqriga: Nabadgelyada iyo badbaadada carruurta xilliyada waxbarashada (Taxanaha 6aad – dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa safar dhulka ah goordhow ugaga ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu aaday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug isagoo ay hore u sii galbiyeen ciidamo ku sugnaa duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada ku sugnaa duleedka magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ka soo tegey magaalada Gaalkacyo iyagoo doonayay in soo galbiyeen Madaxweyne Xaaf balse loo diiday inay gudaha u galaan magaalada.

Dadaalo lagu doonayay in ay wadahadal toos ah ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federalka Cabdi Maxamed Sabriye iyo Madaxweyne Xaaf ayaa guuldareystey hase yeeshee waxaa wadahadal uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka Madaxa Maamul Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: