Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor: “Albaabadeyda waa furan yihiin, Galmudug wejigii ay lahaan jirtay mid aan aheyn…”

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor: “Albaabadeyda waa furan yihiin, Galmudug wejigii ay lahaan jirtay mid aan aheyn…”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa balan-qaaday inuu xallin doono tabashooyinkii ka dhashay doorashadiisa, isagoo xusay in wixi

Waraysi Cabdi Shootali, Xubin sare oo jabhadda hubeysan ee Gacan Libaax
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Wasiirrada Ku Amray Dhamaystirka Qosha Hawleedka Sanadka 2018
Caabudwaaq oo laga diwaangaliyey 30 qof oo lagu arkay calaamadaha Covid-19 (dhegayso)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa balan-qaaday inuu xallin doono tabashooyinkii ka dhashay doorashadiisa, isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya uu istaagi doono sidii loo dhameyn lahaa loona xalin lahaa khilaafaadka jira, loona gaari lahaa dib u heshiisiin iyo isku duubni.

Axmed Qoorqoor ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday wada hadalo uu la lahaa siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka soo qaadacay doorashadiisa, waxaana maalmahan Dhuusamareeb kula kulmay Xildhibaannada mucaaradka iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Galmudug.

“Galmudug wejigii ay horay u lahaan jirtay oo aan u yeelno waji cusub ayaa balan-qaadeynaa, albaabadeyda waa furan yihiin, gacmaha aan is qabsano, haloo istaago Galmudugta cusub dhismaheeda, wadajirkeeda iyo isku duubnideeda”ayuu yiri Axmed Qoorqoor.

Waxaa uu sheegay in cid kasta oo Galmudug wax ku soo biirin karto taladeeda uu dhageysanayo, inta maqan uu isu keeni doono, isagoo xusay in maalin la is riix riixay ay ka weyn tahay danta iyo mustaqbalka Galmudug.

Mar uu ka jawaabayay hadalka Xildhibaan Mahad Salaad oo ahaa inuu isku haayo mukulaal iyo doolo ayuu xusay inuu taas ka dhabeyn doono, isla markaana saaxibadiisa aysan dhibsan doono oo ay og yihiin inaan sameyn karo howshaas.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa doorashadiisa dhacday horaantii bishii Febraayo 2020 ayaa waxaa ka dhashay muran badan oo ahaa qaabkii dowladdu u maareysay hannaankii doorashada oo loo arkayay mid keligiis loo garba duubay Musharaxiintii kale,

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: