Madaxweynaha Galmudug oo u dhoofay dalka Turkiga

Madaxweynaha Galmudug oo u dhoofay dalka Turkiga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor Qoor) ayaa Galabta safar shaqo ugu amba baxay Dalka Turkiga,waxaana garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde kasii sagootiyay mas’uuliyiin kala duwan.

Garoonka Diyaaradahada Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho ayuu Warbaahinta kula hadlay waxaana uu uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Fadaraalka, iyo Dowladaha xubnaha ka ah, doorkii wacnaa oo ay ka qaateen qabsoomida shirarkii hore ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa uu ku baaqay Madaxweynaha Galmudug in shirka 15 Agoosto si mugleh looga soo qeyb-galo, isaga oo rajeeyay inuu ku dhammaado guul iyo is afgarad.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu dalka uga ambabaxo tan & labadii Bishii Febaraayo ee sanadkaan xilligaas oo Magaalada Dhuusamareeb loogu doortay Madaxweynaha Galmudug.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com