Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddi baaritaan dhacdadii Saraakiisha ciidanka lagu laayay

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddi baaritaan dhacdadii Saraakiisha ciidanka lagu laayay

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Guddi baaritaan ku sameeyay u magacaabay falkii argagaxa ahaa ee maalin ka hor ka dhacay inta u dhaxeysa Guriceel iyo Balanbale, kaasoo lagu laayay Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in si loo helo baaritaan dhab ah uu Madaxweyne Qoorqoor uu magacaabay Guddi xaqiiq raadin ah, isagoo xusay in lagu raad-joogo kooxdii ka dambeysay falkaas, raadkoodana la haayo sida uu yiri.

Guddigan ayaa waxaa Hoggaan u ah Wasiirka Amniga ee Galmudug, Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Jaamac.

Sidoo kale waxaa guddigan xubno ka ah Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud, taliyaha Nabadsugidda Galmudug, kusimaha taliyaha ahna taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Galmudug, Guddoomiyaha Degmadda Guriceel, Guddoomiyaha Dhuusamareeb, iyo Guddoomiyaha Degmada Balanbal.

Guddigan ayaa laga filayaa in ay soo aruurin doonaan xog dhab ah taas oo suurto galin doonta in danbiilayaashii cadaaladda la horkeeno lana marsiiyo waajibaadka ay mudan yihiin.

Illaa lix sarkaal oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa galabnimadii Arbacadii lagu laayay inta u dhaxeysa Guriceel iyo Balanbale, kaddib markii ay jidka u galeen maleeshiyo hubeysan.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com