Madaxweynaha Galmudug oo maanta kormeeraya goobo Ciidan

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug oo maanta kormeeraya goobo Ciidan

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa in Maanta uu booqasho ku tago degaanka Docol 40 Km ujirta Magaal

Madaxweynaha Jubbaland oo guddoomiyey Kulan looga hadlayay Amniga
Wadada burbursan ee bartamaha Bosaso oo dayactirkeeda maanta la bilaabay (Daawo)
Maraykanka oo Soomaaliya ka caawinaya la dagaalanka Ayaxa

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa in Maanta uu booqasho ku tago degaanka Docol 40 Km ujirta Magaalada Gaalkcyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha o haatan ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi uga baxaya safar dhinaca dhulka ah,waxaana sidoo kale uu booqan doonaa Xerada Ciidamada Ee Indha-qaris oo ah goob loo asteeyey in lagu xareeyo Ciidankii iyo Hubkii Wasaaradda Amniga Galmudug ay kala wareegtay Beelaha dega Gobolka Mudug.

Diyaar garoow xoogan ayaa waxaa saaka ka socda degaanka docol,iyada oo la arkayay dadweyne farabadan oo u sii diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha Galmudug iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Maamulka degaanka Docol iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,isaga oo ka dhageysan doona warbixin la xiriirta baahida ay qabaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: