Madaxweynaha Galmudug oo kulamo xal raadin ah kawada Muqdisho (Sawiro)

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug oo kulamo xal raadin ah kawada Muqdisho (Sawiro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa xalay casho sharaf hoygiisa ugu sameeyay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta, kulanka cashada waxaa goobjo

Madaxweyne Cosoble, “Waxaan Ka Fekeraynaa Inaan Bedelno Magaca Hir-shabeelle”
Maamulka Gobolka Banaadir oo Sagootiyey Ergooyinkii Shirkii Hannaanka Dib-u-heshiisiinta (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Xaawo Axmed Maxamed, Daljir Garoowe (dhegayso | daawo)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa xalay casho sharaf hoygiisa ugu sameeyay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta, kulanka cashada waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Kulanka ayaa hordhac u ahaa kulamada guud ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka, iyadoo tan iyo markii Madaxweyne Qoorqoor dalka dib ugu soo laabtay uu bilaabay kulamada qeybta ka ah dadaalada xal u raadinta ku saabsan sidii dalka doorasho u aadi lahaa.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in labada dhinac ay is weydaarsadeen aragtiyo la xiriirta sidii dalka doorasho lagu kalsoon yahay uga dhici lahaa, caqabadaha jira loo xallin lahaa.

Kulankan oo saacado badan socday ayaa Musharaxiinta waxay u soo jeediyeen qodobo dhowr ah, sida in la furo saaxada siyaasadda, Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday uu meesha ka saaro ciidanka awoodda siyaasadeed u adeegsanayo iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in qodobada iyo kulamada kale wixii uu kala kulmo uu dowladda Federaalka ula tagi doono.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0