Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay doorashooyinka dalka ka dhacaya

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay doorashooyinka dalka ka dhacaya

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanada Galmudug ay dhibaatooyiin badan haystaan.

Waxaa uu intaa ku daray in ay ogaadeen in dhibaatooyiinka haysta shacabka Galmudug ay ka mid tahay in aysan haysan waxaabaha asaasiga u ah noolasha.

“Waxay qabaan (shacabka) baahiyo waliba kuwa noolasha bina’aadamka aysan ka maarmi Karin ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarshada iyo amniga, baahiyahaas ayaa ugu wayn waxa ay qabaan ayuu yiri, ” Mr Qoor-qoor.

Madaxwaynaha Galmudug oo wax laga waydiiyay halka ay marayaan howlaha hubka dhigsitsa maleeshiyaadka qabaa’ilada ayaa sheegay in wax badan ay u qabsoomeen.

“Inta aan ku guuleysanay ayaa badan inta hartayna hubka waan ka qaadaynaa, socdaalkeena inta dhiman oo ah waqooyiga Galgaduud na hadda ayaan u soconaa, ” ayuu yiri madaxwayne Qoorqoor.

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in doorashada ay tahay in ay ka tashadaan dhammaan dhinacyada ay quseyso.

“Doorashada waxaa jira golayaal sharci dajin, waxaa jira dowlad goboleedyadii, waxa jira madaxdii qaranka, waxaan is leeyahay iyada oo la raacayo shuruucda dalka u dagsan iyo wixii la dhaafi waayo ayaa xal laga gaari doonaa, ” ayuu yiri.

Mr Qoor-qoor ayaa xusay in dhawaan ay si fool ka fool isku soo hor fariisan doonaan madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ee dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com