Madaxweynaha Dowladda Puntland oo la kulmay Qaar ka mid ah Hogaanka Dhaqanka Jubaland.

HomeWararka

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo la kulmay Qaar ka mid ah Hogaanka Dhaqanka Jubaland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan xog-wareysi ah la qaatay qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Jubaland,

Xisbiga Midnimo Qaran oo ololahiisa ka bilaabay Puntland (dhegayso+Sawiro)
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Xulashada Daljir & Jaamac Cabdiraxmaan Faandhe, Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan xog-wareysi ah la qaatay qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Jubaland, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Mudenayaal ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya oo uu ka midyahay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Dowladda Puntland, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Siyaasiyiin Xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Ganacsato, hogaan dhaqan iyo xubno ka socda ururada Bulshada.

Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay Xaaladda Guud ee Jubaland, Isbedeladii ay soo martay magaaladda Kismaayo iyo horumarada la sameeyay. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhegaystay warbixinta Hogaanka dhaqanku siiyeen, wuxuuna kula dardaarmay illaalinta amniga iyo ka shaqeynta horumarka.

“Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey doorka hogaanka dhaqanka Jubaland ee ka shaqeynta illaalinta Amniga, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in lagasii shaqeeyo guud ahaan Horumarka, Midnimada, Adkeynta Amniga iyo illaalinta Guud ee wadajir-ka dadka Jubaland” Ayuu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane, Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani).

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: