Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ayaa Kormeeray Qaar kamida Xarumaha Dawladda Puntland.

HomeWararka

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ayaa Kormeeray Qaar kamida Xarumaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay 2 April 2018 waxaa uu kormeer ku sameeyey qaar kamida

Xulashada Daljir &n Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
RW Khayre oo booqday Qaar kamid dugsiyadda Muqdisho (Sawiro)
Somalia’s External Debt of 2.8 Billion Doubled in 2018 Without New Loan Part II

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay 2 April 2018 waxaa uu kormeer ku sameeyey qaar kamida xarumaha dawladda Puntland ee ku yaala caasimada Garoowe, xarumahaas oo ay ka mid ahaayeen xarunta Bangiga dhexe Puntland, xarunta Wasaaradda Maaliyadda gobolka Nugaal iyo wado laami ah oo laga hirgaliyey xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeyn waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay wada laamiya oo dhex mareysa gudaha xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaana uu madaxwenuhu halkaas kula kulmay qaar kamida Shaqaalihii iyo farsamayaqaanadii dhisaayey wadada, islamr ‘ahaantaana wuxuu Madaxwaynuhu ugu hambalyeyey shaqada wanaagsan ee ka wadaan xarunta madaxtooyada ay ku mahad sanyihiin sida farshaxaka leh ee ay u wadaan dhismaha wadada madaxtooyada dhexdeeda ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale kormeer ku tagey xarunta Bangiga dhexe ee Puntland ee magaalada Garoowe, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen maamulka Bangiga dhexe ee Puntland halkaasi oo uu kulan kula qaatey maamulka Bangiga dhexe ee Puntland iyadoona Madaxweynhu kula dardaarmay in ay shaqada ay dalka iyo dadkaba u hayaan dar-dar geliyaan.

Xilgii madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Abdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku guda jiray kormeerka xarunta Bangiga dhexe ee Puntland ayaa waxaa uu mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee Bangiga Garoowe, halkaas oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha, kuwaasi oo salaan guud iyo is xog waraysi kadib uu Madaxweynahu kula dardaarmay inay markasta xasuusnadaan inay hayaan shaqo Qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda Puntland iyo shacab keeda, islamar’ahaantana loo baahan yahay in ay iska saaraan masuuliyad gaara.

Dhinaca kale Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kormeer kiisa sii wata ayaa waxaa uu booqday xarunta Wasaaradda maaliyada ee gobolka Nugaal, halkaasi uu Madaxweynu kula kulmay maamulka xaruntaasi, iyadoona uu Madaxweynhu ka xog wareestay sida ay shaqdu u socoto, kadibna kula dar-daarmay shaqaalaha xafiisyadaasi inay bulshada si daacda ugu adeegaan.

Ugu danbeyn Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeerkiisa waxaa uu ku soo geba-gabeeyey xarunta guud ee Wasaaradda Maaliyada ee Dawladda Puntland, waxaana uu halkaasi madaxweynuhu kulamo gaar-gaara kula qaatey qaar kamida goloyaasha Dawladda Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: