Madaxweyanaha Turkiga oo sheegay in la xakamayn doono Baraha bulshada

HomeWararka

Madaxweyanaha Turkiga oo sheegay in la xakamayn doono Baraha bulshada

Madaxweynaha Turkiga ayaa wacad ku maray in uu xakameyn doono baraha bulshada ka dib markii aflagaado loo geystay gabadhiisa iyo wiilka uu sodoga u ya

Isbaddalka Geeska Afrika: Faa’iidada Eriteriya iyo khasaaraha Djibouti (dhegayso)
Guddoomiye Eng.Yarisow “In Muqdisho lagu qabto Shirar Caalami ah waxay ka tarjumaysaa amniga iyo Horumarka Caasimadda”
Faahfaafin: Hoobiyeyaal lagu garaacay Teendhada Afisyoone oo ay ku shirayaan DFS iyo qaar kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada

Madaxweynaha Turkiga ayaa wacad ku maray in uu xakameyn doono baraha bulshada ka dib markii aflagaado loo geystay gabadhiisa iyo wiilka uu sodoga u yahay xilli ay shaaciyeen dhalashada wiilkooda affaraad.

Hadalkan ayuu Erdogan uu ka sheegay shir Arbacadii u qabsoomay xisbigiisa, waxana uu ku goodiyay in sharci laga soo saari doono kuwa baraha bulshada u adeegsada si ka baxsan akhlaaqda wanaagsan.

“Waa in aad fahamtaan sababta aan uga soo hor jeedno baraha bulshada sida; YouTube, Twitter iyo Netflix? waxa ay tirtireyaan dhaqanka suuban” ayuu Erdogan u sheegay xubnaha xisbigiia Cadaaladda iyo Horumarka ee AKP.

Xukuumaddiisa ayaa doonaysa in ay soo saarto sharciga lagu xakameynayo isticmaalka aan asluubeysaneyn ee baraha bulshada.

Waxaana arrintan loola dan leeyahay in kuwa sharciga jabiya la saaro ganaax lacageed isla markaana maxkamadda lala tiigsan karo.

Wasiirka maaliyadda Turkiga Berat Albayrak, oo ay u dhaxdo gabadha Erdogan ee Esra, ayaa tallaadadii barta Twitter ku shaaciyay dhalashada wiilka affaraad, kaas oo loo bixiyay Xamza Salid.

Ka dib waxaa xigay in fariimo baraha bulshada la isku weydaarsaday kuwaas oo lagu sheegayo in uusan wasiirku dhalin wiilka ayagoo gabadha Erdogan ku tuhmay golal dhaaf.

Madaxweyne Erdogan ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo kuwa weerarka ku qaaday qoyskiisa.

“Waxaan baacsan doonaa kuwa fulayada ah ee weeraraya qoys qiimo leh,” ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa shirakadaha caalamiga ah ee baraha bulshada iska leh ku eedeeyay in ay ku xadgudbaan shuruucda dalkiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga, Suleyman Soylu, ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkii lagu tuhmay in ay ka dambeeyay xadgudkan la soo qabtay, qaar kamid ah Turkida ayaa qabtay banaan baxyo lagu dhaleeceynayo kuwa weeraray qoyska madaxweynaha, waxaana kamid ah mucaaradka dowladda.

Xukuumadda Ankara ayaa badanaa waxaa ay xirtaa siyaasiyiinta mucaaradka ah kuwaas oo qaarkood si weyn u dhaliileen qaabkii uu u maareeyay safmarka COVID-19.

Waxaa ay beegsadaan siyaasiyiinta, suxufiyiinta, aqoonyahnada iyo qareenada fekirkooda ku soo bandhiga baraha bulshada.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: