Isbaddalka Geeska Afrika: Faa’iidada Eriteriya iyo khasaaraha Djibouti (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Isbaddalka Geeska Afrika: Faa’iidada Eriteriya iyo khasaaraha Djibouti (dhegayso)

Waxaa maanta soo dhammaaday kulan saaka illa shalay Casmara ka socday, looguna magacdaray kulankii saddex geesoodka, ahaana mid u martigaliyey Madaxwe

“Gaalkacyo ma fayooba (Xildhibaanada) iyo waa fayowdahay (Duqa Degmada)” kee ku saxan? (dhegayso)
Boorama oo calanka Soomaaliya lala dhexmarayo farasmagaalaha
Madaxweyne Kuxigeen Camey: “War Daaroodba isma soo gaaraan Muuse wuxuu naga dilo daaye waxar nagama dilin.”

Waxaa maanta soo dhammaaday kulan saaka illa shalay Casmara ka socday, looguna magacdaray kulankii saddex geesoodka, ahaana mid u martigaliyey Madaxweynaha Eriteriya, Isaias Afwerki, ayna marti u ahaayeen Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaan lagu casumin ismarxabbaynta Casmara, laakiin Wasiirka Warfaafinta Eriteriya, Md. Yemane Meskel, oo Casmara ku sugan, bogaadinayana isbaddalka Geeska Afrika ayaa sheegay in uu farriin ka helay Madaxweynaha Djibouti, asaga oo yiri, “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu mahad ballaaran u jeediyey Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Itoobiya iyo waliba Soomaaliya, asaga oo ka mahad-celiyey booqashada wasiirada arrimaha dibadda ee saddexda dal. Madaxweyne Geelle waxa uu sheegay in uu dib-u-heshiisiin iyo nabad waarta oo dhexmarta Djibouti iyo Eriteriya diyaar u yahay.”

Saas oo xaal yahay, weli la isma weydiin doorka dekedaha Djibouti, doorka Imaaraadka Carabta, iyo sida ay Itoobiya u maareyn doonto xiriirka dhaqaale iyo kan ganacsi ee ay la leedahay Djibouti iyo kan hadda ay la yeelaneyso Eriteriya, oo ay hubaal tahay in mid faa’iidadiisu yahay kan kale khasaarihiisa.

Sidoo kale weli ma cadda doorka Soomaaliya ee ammuraha Geeska Afrika aan ka ahayn saxiixa heshiisyo aan weli faahfaahintooda la hayn.

Hoos ka dhegayso warbixinta Daljir, waxaana inoo haya Maxamed Lakiman.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: