Madaxwaynihii Hore Xasan Sheekh oo soo bandhigay shan qodob oo lagu xalin karo colaadda Tukaraq

HomeWararka

Madaxwaynihii Hore Xasan Sheekh oo soo bandhigay shan qodob oo lagu xalin karo colaadda Tukaraq

Madaxwaynihii hore ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray shan qodob oo uu sheegay in lagu xalin karro colaadda deega

Ethiopia plays with fire in its quest for access to the sea
Warka Fiidnimo iyo cXakiin Xuseen, Daljir Garoowe (dhegayso)
Dawladaha Soomaaliya iyo Hindi oo Heshiis is Afgarad ah gaaray

Madaxwaynihii hore ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray shan qodob oo uu sheegay in lagu xalin karro colaadda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Xasan Sheekh ayaa qodobadan shanta ah waxaa uu u dhigay sidaan hoose.

 

In ka badan 30 sano waayo aragnimo ah ayaan u leenahay in khilaafyada lagu xalliyo CUDUB CIIDAN lagumana soo guuleysan mar qura. Haddaba, walaalaha isfaham waagu u dhaxeeyo waxaan ugu baaqayaa qodobada soo socda:

  1. Xabbad joojin degdeg ah iney ku dhawaaqaan oo ay NABADDA ku dhiirradaan.
  2. In ciidamada ay kala qaadaan si fursad lagu wada hadlo u abuuranto.
  3. Ka dibne la billaabo wada hadal dhexdooda ah oo ay hoggaaminayaan dhexdhexaadiyaal iyo fududeeyaal Soomaali ah o oka dhaca TUKARRAQ lafteeda
  4. Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa isimada, culumaa’uddiinka iyo ganacsatada iney si gaar ah ugu istaagaan arrinka isna doontaan iyagu oo waxaan leeyahay magaciin ha jiro e berri NABADDA YAAN DIBADDA LAGA JIRIN
  5. Inta dadaalladu socdaan, dhinacyadu waa iney joojiyaan hadallada XANAFTA leh ee danqinayo boogihii hore laguna baddalo hadallo ka tarjumayo Soomaalinimada.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadaan kooban:

“WALAALAYAAL WAXA AAN ISKU NAHAY AYAA AAD UGA BADAN WAXA AAN KALA NAHAY EE CAQLIGU HA TALIYO”.

 

— DHAMMAAD —

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • darwiishks 6 years ago

    hadalkani waa mud dhinac ka raran oo aan laga fiirsan, waana mid ka turjumaya shuban biyoodka somaliland ka socda kaas oo ah ineey tan iyo intii isku dhaco bilaabmay qof kasta oo musuul ahaan jirey ama hadaba xil haya ineey hadh iyo habeenba la soo hadlayaan iyagoo codsanaya in ay diyaar u yihiin in ay degaanka gambara u guraan hadii loo damaanad qaado inaan ciidanka difaaca puntland weerar ku soo qadeen, runtuse waxeey tahay nin xoog ku heysta maatada dumarka iyo caruurta gobolka sool degan dhinaca kale nabad kuma baaqi karo inta u isku dhejinayo dad iyo dhul aan rabin, dawadeeduna waa in leyska dhacshaa oo la tusaa itaalkisu iyo awoodisu inta ay le’eg tahay.

DISQUS: