Ra’iisul Wasaare Khayre “Majirto Heshiis aan la galnay Itoobiya”

Raysal Wasaaraha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka sheegay kulan kadhacay magaalada Norway oo uu kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway inuu jirin wax heshiis ah oo ay dowladdu la gashay Itoobiya.

Khayre ayaa sheegay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abey inuu yimid magaalada Muqdisho oo ay soo dhoweeyeen, balse aanu jirin wax heshiis ah oo la galay.

Waxaa uu sheegay shirkooda inuu kasoo baxay warmurtiyeed looga hadlayo waxa ay masuuliyiintu ay ka wada hadleen, balse aanu ahayn heshiis la kala saxiixday.

Waxaa uu beeniyay in wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya la midaynayo.

Guux wayn ka jira bulshada oo kadhashay waraysi uu telfishinka Itoobiya uu siiyay ra’iisul wasaaraha dalkaasi, kaasi oo sheegay in la midaynayo labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com