HomeUncategorized

Madaxwayne Gaas oo Itoobiya lagu soo dhaweeyay

Garowe, Febru, 17, 2016 - Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 16-Feb-2016 siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Addis ababa ee Caasimadda Waddanka Itoobiya, halkaas oo Madaxweynuhu uu ku tegey marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxda ugu sarraysa Dawladda Itoobiya.

DHEGEYSO-Barnaamijka Saaka iyo Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.
Madaxweyne Xasan sheikh oo New York kula kulmay madaxda dalal kale iyadoo uu furmay shirkii QM
Wasaaradda Arimaha Dibadda Somalia oo Gawaari loogu Deeqay
Garowe, Febru, 17, 2016 – Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 16-Feb-2016 siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Addis ababa ee Caasimadda Waddanka Itoobiya, halkaas oo Madaxweynuhu uu ku tegey marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxda ugu sarraysa Dawladda Itoobiya.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa kusoo dhoweeyey xubno ka socoda golaha Wasiirada Dawladda Itoobiya oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda Dr. Tedros Adhanom, Wasiiru Dawlahaha Madaxa Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taye Atske, Wasiirka Arrimaha Bulshada,  Wasiirka Ganacsiga, Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Ambassador Wondimu Asamnen iyo Masuuliyiin kale.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi kadib waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom oo ay weheliyaan , Wasiiru Dawlahaha Madaxa Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taye Atske  iyo Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Wondimu Asamnen.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Masuuliyiintii  ay kulanka wada qaateen ayaa waxay  kawada hadleen Xaaladda Guud ee Soomaaliya iyo gaar ahaan xaaladda Puntland iyagoo kulankooda intiisa badan diiradda ku saaray horumarka baaxadda leh ee ka socda Puntland iyo sidii laysaga  kaashan lahaaa  la dagaallanka kooxaha Argagixisada Alshabaab.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kala hadlay Madaxdii uu la kulmay sidii Itoobiya ay maalgashi uga samaysan lahayd Puntland si dhaqaalaha Puntland ee kobcaya uu dad-dar usii yeelan lahaa isla markaana ay  uga faa’iideysan lahaayeen  kumannaanka dhallinyarada ah ee sannad walba kasoo qalin jebinaya Jaamacadaha.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa maalmaha soo socda waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dawladda Itoobiya oo uu kamid yahay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, golihiisa xukuumadda, xubnaha beesha Caalamka iyo midowga Afrika ee ku sugan Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.
 
—DHAMMAAD—
 
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: