HomeUncategorized

Madaxwaynaha dowladda faderaalka iyo weftigiisa oo Muqdisho dib ugu laabtay

Muqdisho, Nov 30 - Madaxwayanaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maalmahan socdaallo ku marayay dalal ku yaalla gobolka Geeska Afrika ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Baahin: Axad, 25- Aug 2013 -Caawa Iyo Daljir Weriye Cabdifataax Cumar Geeddi ~ Daljir ~ Galkacyo
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Khadar Cawl.
DHEGEYSO-Afhayeenka Madaxtooyada Puntland oo ka warbixinaya arrimaha gaadiidka xoolaha sida.

Muqdisho, Nov 30 – Madaxwayanaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmahan socdaallo ku marayay dalal ku yaalla gobolka Geeska Afrika ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Raysal wasaare kuxiheenka ahna wasiirka arimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka gaashaandhigan C/xakiin Maxamuud Fiqi iyo saraakiisha madaxtooyada ayaa ka mid ahaa weftiga madaxwaynaha ku wehlisay socdaallo uu kusoo maray dalalka Jabuti iyo Itoobiya.

Madaxwaynaha oo hadalkooban saxaafadda kusiiyay magaalada Muqdisho ayaa sheegay socdaaladiisa inay guullo kusoo dhamaadeen, waxaa uu intaasi raaciyay dalalka uu booqday inuu kala hadlay taageeridda dadaalka dib nabadda loogu soo celinayo dalka iyo in la taageero dowladda cusub ee dalka Soomaliya uu yeeshay.

Socdaalka madaxwaynaha uu ku tagayay dalalka gobolka Geeska Afrika ayaa noqonayo markii labaad uu safar dibadda uu uga baxo tan iyo markii la doortay, safarkiisii ugu horeeyay ayuu ku tagay dalka Uganada oo uu kala soo qaybgalay xuska maalinta xuriyadda Uganda ee ku beegnayd 9-kii bishii lasoo dhaafay ee Oktoober.

?

Diiwaanka Wararka

Daljir Bossaso.

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: