Madaxeynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton oo la dhigey Isbitaal

Madaxeynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton oo la dhigey Isbitaal

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa la dhigay isbitaal isagoo qaba caabuq aan la xiriirin COVID,sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Clinton, oo 75 jir ah, ayaa la dhigey Jaamacadda California Irvine Medical Center.
Bush, Clinton, Obama ayaa dib u taageeray qaxootiga ka imanaya Afghanistan

Afhayeenka ka hadlay xaalada Bill Clinton ma uusan bixin faahfaahin intaas ka badan marka laga reebo inuu dhaho in caabuqa uusan la xiriirin COVID. Laakiin sida laga soo xigtay shabakadda wararka ee The Hill, Clinton ayaa la seexiyay sepsis awgeed.

“Waa uu niyad wanaagsan yahay, wuxuuna si aad ah ugu mahadcelinayaa dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha, iyo shaqaalaha siinaya daryeel aad u wanaagsan,” ayuu yiri Urena.

CNN ayaa sidoo kale sheegtay in Clinton la dhigey qaybta daryeelka degdegga ah.
Clinton, oo ka soo jeeda gobolka Arkansas ee koonfurta, wuxuu ahaa madaxweynihii 42 -aad ee Mareykanka, isagoo xilka hayay 1993 ilaa 2001.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com