HomeUncategorized

Madaxda Somalia oo Soo dhaweeyay in Maraykanku Dib u Bilaabay xiriirkii uu lalaha Dalka

Arbaco, September 09, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay go’aankii dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday ee ahaa in ay bilaabeyso howlihii diblomaasiyaddii ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo kormeeray xarunta maxkamadda gobolka ee Galkacyo.
Erdogan oo Si Adag uga Hadlay khilaafka kala Dhaxeeya Ruushka
Shir looga Hadlayay Horumarinta Caafimaadka Puntland oo la soo –Gaba-gabeeyay

Arbaco, September 09, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay go’aankii dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday ee ahaa in ay bilaabeyso howlihii diblomaasiyaddii ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay soo dhaweynayaan hadalka ka soo yeeray dowladda Mareykankan, iyadoo tani ay ka dambeysay markii 5-tii May ee sanadkan uu booqasho rasmi ah Muqdisho ku yimid Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John F. Kerry.

Madaxda Qaranka iyo shacabka waxa ay soo dhaweynayaan dadaalka dowladda Mareykanka ay ugu jirto inay soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo qorshaha Mareykanku uu yahay in safaaradooda ay dib uga furtaan gudaha caasimadda, si ay ugu adeegaan gudaha dalka.

“Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka ay qaadatay dowlada Mareykanka  ee ah in howlaha diblomaasiyadeed ay ka bilaabeyso caasimadda, taasi oo xoojin karta xiriirka labada dal, waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa qorshaha Madaxweyaha Mareykanka Barack Obama uu ku doonayo in safiir cusub uu u soo magacaabo Soomaaliya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: