MADASHADA SIYAADADDA PUNTLAND OO SHIR WADATASHI AH UGA SOCDO GAROWE.

HomeWararka

MADASHADA SIYAADADDA PUNTLAND OO SHIR WADATASHI AH UGA SOCDO GAROWE.

Shir oo maanta furmay, wuxuu soo gaaray caawa, kaasoo ay ka qaybgalayaan siyaasiyiinta mucaaradka ah, ayna ku jiraan kuwo xilal ka soo qabtay Puntland

CAAWA & DALJIR | CABDIXAKIIN XUSEEN XASAN | DALJIR GAROWE
Musharax Madaxweyne Gen Morgan oo Qardho lagu soo dhaweyeey (dhegayso)
Fuustada biyaha oo gaartay $300 Bareedo iyo deegaamada hoosyimaada (dhegayso)

Shir oo maanta furmay, wuxuu soo gaaray caawa, kaasoo ay ka qaybgalayaan siyaasiyiinta mucaaradka ah, ayna ku jiraan kuwo xilal ka soo qabtay Puntland iyo dawladda federaalka.

Shirka oo sida qorshaysan maalmo socon doona waxaa looga hadlaya arrimaha siyaasadda siiba doorashada, cimri dhammaadka muddo xileedka hay’adaha dawliga ah ee Puntland iyo marxaladda kala guurka oo ah mid tashi badani ka abuurmo markasta oo loo soo dhawaado madaxtooyada.

Ka sokow siyaasiyiinta shirka ka qaybgaya, kuna sugnaa madasha, waxaa kale oo jiray siyaasiyiin kale oo habka fogaan aragga uga soo qaybgalay shirka, kuwaasi oo uu ka mid yahay Rwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Senetor Cabdiraxmaan Faroole.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: