MAANHADAL: Go’aankii maxkamada ICJ ay ka gaartay dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya (dhegayso)

MAANHADAL: Go’aankii maxkamada ICJ  ay ka gaartay dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya (dhegayso)

Kulanti wacan oo wanaagsan dhagaystiyaal ku soo dhawadda Barnaamijka Maanhadal ,todobaadkan barnaamijka waxaa ku soo qadanaynaa go’aankii ay soo saartay maxkamada ICJ shalay markale oo ay dib u dhigtay xiliga dhegaysiga dacwada muranka xuduuda badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya taasoo mudo dhawr sano ah maxkamada hortaala.

Dhegaysiga labaad ee dacwada ayaa loo balansanaa inuu dhaco bishii hore balse waxaa go’aan maxkamada kasoo baxay 6 dii bishaasi dib loo dhigay mudo 2 bilood ah oo ku aadanayd bisha November ee soo socota.

Markale ayay maxkamadu shalay go’aan soo saartay iyadoo sheegtay in dhegaysiga dacwadu noqon doono bisha june 8-12 keeda 2020.

labada goor ee dhegaysiga dacwada dib loo dhigayba waxaa codsatay dawlada Kenya. hadaba maxaa sababay in cdosiga Kenya marwalba ay aqbasho Maxkamadu oo laba goor dib loo dhigo dacwada badda?

wariye Maxamuud Cabdi Ibraain ayaa Bosaaso ka soo jeedinaya.
Dhegayso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Abdulqadir Tallman 4 years ago

    Lacagtii la siin lahaa qareennadii hore oo ka khirad iyo aqoon badnaa kuwan biidhabiidhada ah, Farmaajo wuxuu u isticmaalay laaluush iyo duminta maamul goboleedyada kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland. Waxaa lacagahaas loo isticmaalay eryiddii Jawaari.
    Maanta waxaa la la’yahay wax mushahar looga dhigo qareennadii tayada lahaa ee horeyba uugu adkaaday doodihii hordhaca ahaa oo kaga ilmeysiiyay dhinacii kale ee Uhuru.

    Maanta qareenno barbarad ah baa kiiskii loo dhiibay. Maanta raiisulwasare-ku-xigeen awalba Itoobiya ay soo dirsatay iyo kan laataacaleyshka ah uu Farmaajo ku aaminay jagada muhiimka ah ee safiirnimada EU-da (Midowga Yurub oo dhan) baa intay xoogaagooda ka qaataan Kenya, Farmaajana barkiisa u geeyaan) baddii faraha ka sii bixinaaya.
    Farmaajo wuxuu doonayaa inuu Kenya badda u gacan geliyo si” ay iyadana uga kaalmeyso doorasha madaxweynaha ee 2021-da.
    Farmaajo wuxuu is-barbar dhigay: afar sanoo kale uu ku guuleysto madaxwenenimada iyo in baddii Soomaaliyeed
    Kenya loo xukumo. Wuxuuna doortay inuu baddii Soomaaliyeed faraha ka bixiyo.
    Doqonku wuxuusan garan inuu Sooomaaliya oo dhan cag soo dhigi kari doonin hadda baddaas uu u loogo Kenya.Soomaaliyana cidlo ma joogtee Allaa u maqan. Yaan la niyad jabin.Maskan faraqa noo galay oo Farmaaja ahna, Allaha u bixiyo rag waddanka jecel oo sharkiisa iyo shiqoolladiisa isaga ku giddiya.
    Shakiga ugu weyn waxaa igu abuuray in codsigii hore ee Kenya oo ahaa in dacwada dib loo dhigo ilaa hal sano. Taa lagama yeelin oo laba bilood baa dib loo dhigay.
    Mar kale ayey Kenya weydiisatay in dacwada dib loogu dhigo.
    Caadiyan, sida lagu yaqaan maxkamadaha, codsiga kale ee dambe waxay aheyd in Kenya la siiyo muddo ka yar too labada bilood aheyd. Matalan in dib loogu dhigo bil kale. Hadda siddeed bilood baa dib loogu dhigay Kenya. Waaya-aragnimadeyda gar-aqoonnimada inaas bay ii tilmaameysaa.
    Amuurtan dibu-dhigidda siddeeda bilood ah maaha wax caadi ah. Xagga Soomaaliya kuwii matalaayay ee Mahdi iyo Fiqi baa laga helay carrab laalaadin iyo oggolaansho hoose.

    Taas ayaa igu dhalisay shakiga ah in Mahdi Khadar ra’isul wasaare ku xigeenka ay Itoobiya soo dirsatay iyo Safiirka macne-yareha ah ee inoo fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ay xoogaagooda kenya ka qaateen, Farmaajana qeybtiisa u dusiyeen.
    Farmaajo badda waxaa uga daran inuu afar sanoo kale ku adkaado madaxweynenimada dalka. Kenyana taas bay ka ballan qaaday, qiyaasteyda.

    Bal raac linkigann hoose oo xambaarsan wax u dhow, shaabbahane, faalladeydan kore:
    https://goobjoog.com/maxaa-keenay-in-icj-diido-doodda…/

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com