MAANHADAL: Dayaca Dekadda Bosaaso & cabashada Ganacsatada (dhegayso)

HomeWararkaMAANHADAL

MAANHADAL: Dayaca Dekadda Bosaaso & cabashada Ganacsatada (dhegayso)

Ganacsatada reer Puntland waxay mudooyinkii danbe walaac kamuujinayeen hoos u dhaca adeegyadii Dekeda Boosaaso oo ah isha koowaad ee dhaqaalaha Puntla

MAANHADAL: Shirka wadatashiga Arrimaha doorashooyinka & qodobadii ka soo baxay (dhegayso)
MAANHADAL: Shirka dhuumareeb & dib u dhiciisa (dhegayso)
MAANHADAL: Caqabada soo wajahday shacabka Soomaaliyeed ee ka safra Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho,

Ganacsatada reer Puntland waxay mudooyinkii danbe walaac kamuujinayeen hoos u dhaca adeegyadii Dekeda Boosaaso oo ah isha koowaad ee dhaqaalaha Puntland, marna ahayd meesha keliya oo dhulka Soomaalida wax uga dhoofaan waxna uga soo degaan.

Dekedan oo sanadkii 2017 lagu wareejiyey shirkadda P,O & Ports oo katirsan shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta wuxuu qorshuhu ahaa in 24 bilood oo ka bilaabanaysa bishii 4’aad ee 2017 lagu dhiso deked balaadhan oo maraakiib badan kusoo xiran karaan isku mar.

Balse Intii hore u shaqaynaysey ayaanay qayb kamid ahi hadda shaqayn, Badeecaduhuna waxay kujiraan khatar sida ay ganacsatadu ku doodayaan, todobaadkan gudihiisana Markab shimiinto waday ayaa bacaad uu ku qabsaday Dekedda Bosaso kaasoo si dirqi ah lagu badbaadiyey isaga & badeecadii uu wadeyba.

Xafaarad bacaadka ka saari jirtay Dekedda ayaa horay u burburtay muddo saddex sano laga joogo, wararkuna waxay sheegayaan in sadexsano aan wax dayactir ah lagu samayn Dekeda ciidina buuxisey.

Hadaba waa maxay saamaynta dhaqaale ee ay keeni doonto hoos u dhac ku yimaada dhaq dhaqaaqa Dekeda Boosaaso & Adeegyadeeda?, halkee ka fuli la yahay heshiiska Dowlada Puntland la gashay Shirkada hadda maamusha Dekeda?, maxaase la gudboon ganacsatada, shacabka & Dowlada Puntland ba si Dekeda Boosaaso u noqoto mid horumarsan kuna soo laabata hormuudnimadeedii Dekedaha Geeska?.

Khadar Cawl ayaa ka soo jeedinaya Xarunta Daljir ee Garoowe.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: