Maamulka SSC-khaatumo & DFS oo kawadda hadlay iskaashiga dhinaca Amniga

Maamulka SSC-khaatumo & DFS oo kawadda hadlay iskaashiga dhinaca Amniga

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ay weheliyaan Hoggaamiye Ku xigeenka iyo Guddoonka Golaha Dhexe ayaa kulan la qaatay wefdi ka tegay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wefdigan oo uu Hoggaaminayey Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Senator. Cabdillaahi Cali Xirsi ayna ka mid yihiin Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Xildhibaan Cabdi Qawdhan Warsame ayaa gaaray Caasimadda Maamulka Khaatuma ee Laascaanood.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac “Indhasheel” iyo Ganacsade Cabdiwahaab Maxamed Yuusuf.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray adkaynta iyo xoojinta arrimaha nabad gelyada iyo sidii mandaqadan loogu wada noolaan lahaa deris-wanaag, sida lagu sheegay war kasoo baxay Maamulka Khaatuma

Wefdiga ayaa bogaadiyey baaqyadii Nabadda ee Maamulka SSC-Khaatumo ku dhawaaqeen, sidoo kalena dhankooda ku baaqay in nabadda laga shaqeeyo, lagana baaqsado collaad iyo dagaal daba-dheeraada.

Ugu dambayn, Hoggaamiyaha ayaa u mahadceliyey wefdiga, isagoona markale u ballanqaaday in Maamulka SSC-Khaatumo diyaar u yahay inuu derisyadiisa kula noolaado nabad iyo deris-wanaag.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com