Maamulka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay howlgal Al-Shabaab looga saarayo Sh/Hoose

HomeWararka

Maamulka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay howlgal Al-Shabaab looga saarayo Sh/Hoose

Maamulka Koonfurgalbeed ayaa wada diyaar garow ku aadan sidii Al-Shabaab laga saari lahaa deegaanadaay kaga suganyihiin gobalka Shabeellaha Hoose iyad

Ganacsade lagu dilay dalka koonfur africa
MAANHADAL: Xaaladda Geeska Afrika iyo Xogla’aanta Madaxweyne Farmaajo (dhegayso)
BEESHA CAALAMKA OO WAR KASOO SAARTAY DOORASHADA DALKA (AKHRISO)

Maamulka Koonfurgalbeed ayaa wada diyaar garow ku aadan sidii Al-Shabaab laga saari lahaa deegaanadaay kaga suganyihiin gobalka Shabeellaha Hoose iyadoona maamulka uu ciidamadii ugu badnaa isugu geeyay degmada Walaweyn ee gobalkaasi, waxaana ciidamada booqasho ugu tegay masuuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Wasiirka amniga Koonfur Galbed Maxamed Isaaq Cabdi oo horboodayay masuuliyadda booqashada ugu tegay ciidanka ayaa waxa uu sheegay in maamulku uu u diyaar garoobo dagaal ka dhan ah Al-Shabaabiyo sidii looga saari lahaa deegaannada ay gacanta ku haayaan.

Wasiirka oo goob fagaara ah kula hadlay askarta ayaa waxa uu sheegay inay u diyaar garoobaan howlagallo ka dhan ah Al-Shabaab oo laga fulinayo gobalka Shabeelaha Hoose,waxa uuna carabka ku adkeeyay in saacadaha soo aadan gulufka ka dhanka Al-Shabaab uu bilaaban doono, sida ugu dhaqsiyaha badana looga saari doono Al-Shabaab deegaanada gobalka, gacanta maamulkana loo soo gelin lahaa deegaanada ka maqan.

Deeganada maamulka koonfurgalbeed ayaa ka mida goobaha ay howlgallada ka wadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa xoreynta degaanka, kuwaas maalmihii la soo dhaafay howlgallo ay ka sameeyeen gobalka Baay ay kula wareegeen deegaano ay Al-Shabaab maamuli jireen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: