MAANHADAL: Xaaladda Geeska Afrika iyo Xogla’aanta Madaxweyne Farmaajo (dhegayso)

MAANHADAL: Xaaladda Geeska Afrika iyo Xogla’aanta Madaxweyne Farmaajo (dhegayso)

Geeska Afrika waxaa ka hanaqaaday isbaddal siyaasadeed oo ay hagayso dowladda Itoobiya, garwadeenna uu u yahay RW Abiy Axmed. RW Abiy waxa uu soo afjaray collaaddii Eriteriya, waxaana la laalay cunoqabateyntii Eriteriya. Waxaa kale oo uu RW Abiy Axmed sheegay in saddexda dal ee Itoobiya, Eriteriya iyo Soomaaliya ay midoobi doonaan oo aysan sii lahaan doonin saddex hoggaamiye.

Dhanka Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in Itoobiya ay joojinayso faragalintii ay ku haysey Soomaaliya, Soomaaliyana ay la jaanqaadayso isbaddalka Geeska Afrika.

Dhanka Itoobiya, waxaa muuqda in ay boorka ka jafayso hammigeeddii Boqortooyooyinkii Itoobiya ee dhulballaarsigii Abasiiniya iyo in xudduudeedu tahay Yemen illaa Benadir iyo Badweynta Hindiya.

Dhanka taliska ciidamada Itoobiya, Janaraal Berhanu Jula, Taliye Kuxigeenka ciidamada Itoobiya, oo warbaahinta Itoobiya tobaneeyo beri kahor la hadlay ayaa daaha ka rogay qorshaha Itoobiya iyo sidii loo meelayn lahaa saldhig ciidan badeed iyo maraakiibtooda. Janaraal Berhanu Jula ayaa yiri, “dowladda Itoobiya waxaa u qorsheysan in ay dhisato saldhig ciidan badeed ka agdhow Badda Cas iyo Badda Indiya.” Janaraalka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku daray, “waxaa wada hadal noo socdaa waddamo sidii aan mar kale dhidbaha ugu taagi lahayn ciidan badeed leh awood iyo meel uu dego.” Waxa uu ku sii daray, “waa in aan badaha saameyn ku yeelanaa. Waddamo baa maanta meelo fogfog ka imaanaya oo saameyn ku yeeshay badaha naga agdhow. Waxaan nahay dal weyn oo awood leh oo tiro ahaan 100 milyan oo qof kor u dhaafay. Ma jirto sabab aan bad la’aan u sii ahaano.

Meesha RW Abiy Axmed uu si joogto ah ula hadlo shacabkiisa, ulana socodsiiyo siyaasadda dalka, Madaxweyne Farmaajo ayaan asagu weli shacabka Soomaaliyeed warbixin ka siin siyaasaddiisa Geeska Afrika, welina aan waxba ka dhihin hadalka Janaraal Jula ee badaha Soomaaliya iyo kan Abiy Axmed ee midowga saddexda dal.

Welwel kale ayaa asna ah in Madaxweyne Farmaajo uusan cidna la tashan, shirarka Itoobiyana uusan u wadan khubaro iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo aqoon u leh siyaasadda Geeska Afrika iyo waliba taariikhda dhul-ballaarsi ee Itoobiya iyo waayaheedii Abasiiniya.

Siyaasadda Geeska Afrika iyo maanta kaga bogo maanta iyo MAANHADAL oo hoos ka dhegayso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com