Maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidanka ATMIS oo shir ka yeeshay la dagaalanka Al-Shabaab

HomeWararka

Maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidanka ATMIS oo shir ka yeeshay la dagaalanka Al-Shabaab

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku bogaadiyay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM sida ay u xaqiijiyeen amniga dadka rayidka ah inta lagu guda jiro bisha

Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq ( dhegayso)
Golaha Wasiirada Somaaliya oo Xalay Shir Muhiim ah Ku yeeshay Muqdisho
Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka somaaliya oo go’aamo kasoo saaray mooshinka Farmaajo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku bogaadiyay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM sida ay u xaqiijiyeen amniga dadka rayidka ah inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kulan ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada wasiirka amniga gudaha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed C/qaadir & Saraakiisha Ciidamada ATMIS ayuu ku bogaadiyay ciidamada ATMIS ee ka socda dalka Itoobiya sida wanaagsan ee ay u fududeeyeen in bisha Ramadaan ay si nabad ah dadka ugu noolaadaan deegaanada maamulkaasi.

Taliyaha Qeybta Saddexaad ee ATMIS, Maj Gen Besfat Fente Tegegn, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada ATMIS, maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha amniga ayaa ka qeyb galay kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Magaalada Baydhabo.

“Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelineynaa ciidamada ATMIS dadaalka muuqda ee ay ku bixinayaan sugidda amniga gobolka iyagoo kaashanaya kooxahayada amniga ee gobolka. Waxay si hufan u sameeyeen howlgalo iyo roondo ay kaga hortagayaan khatarta Al-Shabaab, waxayna sugeen amniga bulshada deegaanka,” ayuu yiri wasiir Xasan oo ku ammaanay ciidamada sida hagar la’aanta ah ee ay ugu hurayaan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan oo qayb ka ah wada shaqayn joogta ah oo dhex marta ATMIS iyo hay’adaha muhiimka ah ee amniga gobolka, ayaa lagu qiimeeyay hirgelinta isku dhafka amniga, iskaashiga, iyo isku xirka dadaallada bisha Ramadaan iyo Munaasabadda Ciidul-fidriga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: