Maamulka Jubbaland oo gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa

HomeWararka

Maamulka Jubbaland oo gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa

Kadib howlgal ay sameeyeen Ciidamada Nabadsugida Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay soo saaraan Miinooyin ay Xubno katirsan

Madaxwaynaha musharaxa ah ee Puntland Cabdiwali Gaas oo magacaabay taliyaha doorashada
Waxgarad iyo xildhibaano booqday eheladda Eng Yarisow (Sawiro)
Maxaa looga hadlayaa kulanka Golaha Shacabka ee Maanta?

Kadib howlgal ay sameeyeen Ciidamada Nabadsugida Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay soo saaraan Miinooyin ay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ku Aaseen mid kamid ah waddooyinka Magaalada Kismaayo.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabadsugida Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Hay’ada Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland oo kaashanaya Shacabka reer Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ay gacanta kusoo dhigeen miino oo ay Al-Shabaab doonayeen iney ku waxyeeleeyaan dadka shacabka ah ee amniga iyo saxansaxada nabadadeed ku naaloonaya.

Waxaan u mahadcelineynaa bulshada magaalada Kismaayo ee sida joogtada ah usoo wargelinaya ulana shaqeynaya laamaha amniga.

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay kamid tahay Magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Magaalooyinka Gobolka Jubbada Hoose, in kastoo mararka qaar ay ka dhacaan falal amni darro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: