Maamulka Jubbaland oo Ciidamo kala dhex gala Beelaha Kismaayo ku dagalamay

HomeWararka

Maamulka Jubbaland oo Ciidamo kala dhex gala Beelaha Kismaayo ku dagalamay

Maamulka Jubbaland ayaa ciidamo u diray deegaano dhaca galbeedka Kismaayo, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayeen labo beelood oo wada

Xildhibaanada Federaalka ee Puntland ka soo jeeda oo si kulul ugu jawaabay Wasiiro Garoowe ka hadlay
XULASHADA DALJIR & DEEQO LADAN BOOSAASO (DHAGEYSO)
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga DFS oo kormeeray Xarumaha Booliska Boosaaso (dhegayso)

Maamulka Jubbaland ayaa ciidamo u diray deegaano dhaca galbeedka Kismaayo, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayeen labo beelood oo wada dega.

Sida wararku sheegayaan Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid kala dhex galay labada beelood ee ku dagaalamayay duleedka Kismaayo, waxaana socda dadaalo nabadeed oo la isku keenayo odayaasha iyo waxgaradka beelaha.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada la geeyay deegaanada ay dagaalada ka dhaceen ay bilaabeen inay xaalada dejiyaan, isla markaana illaa hada wax iska hor imaad ah aysan dhicin.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhowaan ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay dagaalka joojiyaan, waxaana uu amar ku baxay in Ciidamo loo diro deegaanka, si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadka dirirta u dhaxeyso.

In ka badan 20 ruux ayaa ku geeriyootay dagaal maalmihii u dambeeyay ka dhacayay deegaano dhaca galbeedka Kismaayo, waxaana dagaalada salka ku hayeen lahaansho deegaan lagu muransan yahay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: