Maamulka gobolka Mudug oo ka jawaabay cabashadii ganacsatada

Maamulka gobolka Mudug oo  ka jawaabay cabashadii ganacsatada

Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada Gaalkacyo iyo Taliska Booliska ee gobolka Mudug ayaa raali-geli ka bixiyay xarig, jirdil iyo handadaad loo geystay qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa weyn ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Guuddoomiyaha gobolka Axmed Muuse Nuur ayaa ganacsatada ka codsaday inay dib u furaan Xarumooda Ganacsi oo maalintii saddexaad xiran, waxaana Suuqa la xiray Khamiistii lasoo dhaafay.

Dhabka kale ganacsatad ayaa iyaguna aqbalay raaligalintaas oo sheegay in ay furi doonaan galabta goobaha ganacsiga ee xiran.

Sawirro laga soo qaaday Suuqa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa muujinayay in gabi ahaan uu suuqa yahay mid xiran, isla markaana xitaa uusan ka jirin isku socodka dadka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com