Maamulka gobolka Jubbadda Hoose oo beeniyey in la weeraray guriga Gudoomiyaha gobolka Jubbadda Hoose (Dhegayso)

?

Kismaayo Nov 22, 2012, Maamulka KMG ah ee gobolka Jubbadda Hoose ayaa beeniyey in weerar lagu qaaday guriga gudoomiyaha KMG ah ee gobolka Jubadda Hoose, Afhayeenka maamulka gobolka J/hoose Md Cabdinaasir Seeraar ayaa wax warbaahintu buun buunisay ku tilmaamay weerarkaasi.
?
Afhayeenku wuxuu sheegay inaysan jirin cid dhimatay iyo weerar dhacay midna hase ahaatee warbaahinta qaar keed ay baahisey war aan waxba ka jirin sida uu hadalka u dhigay,” Wax weerar ah ma dhicin cid wax noqotayna ma jirto ?wax aan dhibaatada waxbaahinta qaar nagu hayso ahayn oo amni xumo ah ma jiraan,” Cabdinaasir Seeraar Maxamed.
?
Dhinaca kale Cabdinaasir Seeraar Afhayeenka maamulka KMG ah ee gobolka Jubbadda Hoose, Ayaa ka hadlay halka uu marayo qorshaha maamul u samaynta ee goboladda Jubbooyinka iyo Gedo ee dalka Soomaaaliya, Wuxuu sheegay in gudiga ku hawlan qorshahaasi xiligan ay joogaan Magaaladda Kismaayo iyagoo ku guda jira hawlahoodda shaqo.
?
Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda Hoose ayaa mudooyinkii u danbeeyey amaankeeddu soo hagaagayey kadib markii maaamulka KMG ah ee gobolka Jubadda Hoose uu qaaday talaabooyin amaanka lagu adkaynayo,
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir (B)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com