Maamulka G/Shabeellaha Dhexe oo War kasoo saaray dagaal Beeleedka ka dhacay degmada Cadalle

HomeWararka

Maamulka G/Shabeellaha Dhexe oo War kasoo saaray dagaal Beeleedka ka dhacay degmada Cadalle

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degaannada hoostaga degmada Cadalle inay dagaalk

Galmudug oo Ciidamo cusub geysay Caabudwaaq
Urur gobaleedka IGAD oo ku baaqay in dib loogu laabto Teendhada Afisiyooni
Boosaaso: Shacab tageersan Guulaha Ciidanka SSC-Khaatumo oo dareenkooda ka haddlay.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degaannada hoostaga degmada Cadalle inay dagaalka si deg deg ah u joojiyaan, isla markaana wax walba miiska wada-hadalka ku dhameeyaan.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in xilligaan oo uu socdo dagaal lagula jiro Al-Shabaab iyo xorreynta degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe in gadaashiida ay beelo walaalo ah ku dagaalamaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka dagaalamay inay dagaalka dhexdooda ah usoo wareejiyaan inay ka qeyb qaataan xorreynat degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe ee looga saarao Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in mar walba nabadda in lagu dadaalo ay tahay mid wanaagsan, wuxuuna Bulshada gobolka Shabeellaha Dhexe uu ugu baaqay inay ka Shaqeeyaan in laga hortaggo colaada soo laab laabatay.

Degaannada hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa kusoo laab laab laabtay colaad beeleedyada, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle ay ku guuldareysteen inay waxka qabtaan soo noq noqoshada colaadaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: