Urur gobaleedka IGAD oo ku baaqay in dib loogu laabto Teendhada Afisiyooni

Urur gobaleedka IGAD oo ku baaqay in dib loogu laabto Teendhada Afisiyooni

Urur Goboleedka IGAD ayaa taageertay hindisaha la soo jeediyay ee dib wada hadalada loogu bilaabayo Saamileyda siyaasadda Soomaaliya , si loo xalliyo xaalada cakiran ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya, kadib markii Golaha Shacabka ay muddo kordhin u sameeyeen hay’adaah kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim taha in dib loo bilaabo wada-hadallada arrimaha doorashooyinka, isla markaana daneeyayaasha Siyaasadda fursad ay isa siiyan.

“ Waxay IGAD ku dhiiragelisay dhammaan daneenayaasha siyaasadda inay fursad siiyan hindisahan cusub si loo galo wada hadal furan oo wax ku ool ah, IGAD waxay qadarineysaa doorka muhiimka ah ee kaqeybgalka dhinacyada badan ee kobcinta isku xirnaanshaha siyaasadeed iyo dib u heshiisiinta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com