Maamulka G/ Shabeellaha Dhexe oo soo bandhigay Ciidamo loo diyaariyay la dagaalanka Al-Shabaab

Maamulka G/ Shabeellaha Dhexe oo soo bandhigay Ciidamo loo diyaariyay la dagaalanka Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan Maamulka Degmada Raagacelle Xildhibaan Cabdiraxman Gacal iyo KorneylMasdile ayaa gaaray Degaanka Bakajeex ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Guddoomiyaha iyo mas’uulyiinta la socotay ayaa waxaa so dhaweyn ballaaran u sameeyey dadka degaanka, iyaga oo sheegay inay diyaar u yihiin la dagaalanka Al-Shabaab.
Advertisement

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiinta la socday ayaa waxaa ay kormeen kumareen waddooyinka degaanka Bakajeex iyo Suuqa degaanka .

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa kulan la qaatay Ciidamada Degaanka ee u taagan difaaca Degaanadooda, isaga oo xusay in Al-Shabaab waqtigooda dhamaaday loona baahan yahay in lasii wado dagaalka dalka looga saarayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com