Maamulka degmadda Caabudwaaq oo ka hadlay sarifka lacagaha qalaad (dhegayso)

HomeWararka

Maamulka degmadda Caabudwaaq oo ka hadlay sarifka lacagaha qalaad (dhegayso)

Maamulka degmada cWaaq ayaa sheegay in ay si buuxda uga warhayaan tabashada dadweynaha degmada cWaaq iyo deegaannada hoosyimaada, taasoo ku saabsan dh

Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Rooble oo cambaareeyay kana tacsiyeeyay qaraxii Gaalkacyo.
Muranka dekedda Bosaso oo sababtay sare u kac ku yimid shidaalka (dhegayso)

Maamulka degmada cWaaq ayaa sheegay in ay si buuxda uga warhayaan tabashada dadweynaha degmada cWaaq iyo deegaannada hoosyimaada, taasoo ku saabsan dhibaha ay kala kulmaan baddelidda lacaga qalaad ee degmada laga isticmaalo oo ah birta Itoobiyaan iyo dollarka Maraykanka.

Hadalka maamulka ayaa imaanaya iyadoo ganacsada cWaaq iyo bulshada caadiga ahi ay ka cabanayaan caqabado is dabajooga ah oo ay kala kulmaan bangiyada iyo shirkadaha is gaarsiinta ee bixiya lacaga moobayllada lagu shubto, caqabadahaasi oo salka ku haya diidista qaybo badan oo ka mid ah lacagaha dadweynuhu ay shirkadaha geystaan.

Muxyadiin Cabdi Geelle waa guddoomiye kuxigeenka degmada cWaaq, waxaana wareysi gaar ah oo maanta uu siiyey Radio Daljir uu isna uga jawaabay cabashada ganacsada iyo bulshada caadiga ee aaddan caqabadaha ka haysta baddelka lacagaha qalaad.

Cabdifataax Cumar Geeddi oo wareystay guddoomiye kuxigeenka degmada ayaa marka hore waydiiyey waxay kala socdaan maamul ahaan tabashada dadweynaha cWaaq.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: