Maamulka degmadda Caabudwaaq oo joojinaya Qaadka ka yimada Itoobiya (dhegayso)

Maamulka degmadda Caabudwaaq oo joojinaya Qaadka ka yimada Itoobiya (dhegayso)

Guddoomiyaha degmadda Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi,Taliyaha Sandhigga
degmadda Gaashaane Qalbi Axmed Cali iyo Xildhibaan Axmed Maxamed
Faarax “Cusaama”oo kamid ah Xildhibaanada Galmudug oo soo booqdey
Radio Daljir Caabudwaaq ayaa sheegay in wixii ka danbeeya Lixda
Bishaan gabi ahaanba ay joojinayaan qaadka loo yaqaan Hareeriga ee ka
yimaada Dalka Itoobiya

Taliyaha Saldhigga degmadda Caabudwaaq Gaashaanle Qalbi Axmed Cali
ayaa sheegay in sababo la xiriira cudurka Covid 19 oo adduunka ku
faafaya aawadeed ay go’aansadeen in maalinta Isniinta ah ee soo socota
wixii ka danbeeya ay joojinayaan Qaadka iyo Dadka ka imaanaya
Itoobiya.

Xildhibaan Axmed Maxamed Faarax “Cusaama” oo kamid ah Baarlamaanka
labaad ee Gamudug ayaa sheegay isaga oo ku hadlaya magaca afka
Galmudug uu Shacabka ugu baaqayo in ay u hogaansamaan awaamiirta ka
soo baxdey Maamulka iyo laamaha amniga waxaana uu xusey in Cudurka
Coronavirus ay xakamayntiisa awoodi waayeen Dalalka caalamka sidaas
darteed loo baahan yahay Bulshadu in ay ka taxadaraan Caafimaadkooda
kana fogaadaan wixii qatar ku ah nafsadooda.

Guddoomiyaha degmadda Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi ayaa Shacabka hadda
Hantidooda ay uga maqan tahay Dalka Itoobiya uga baaqey in ay fursad u
haystaan ilaa 6 Bishaan wixii ka danbeeyana ay xirayaan Xuduudka

Guddoomiye Mahad Cumar ayaa rajo ka muujiyay in Shacabku ay u
hogaansami doonaan awaamiirta si looga hortago Caabuqa Covid 19 oo
dalka Itoobiya oo xuduud aan wadaagno laga helay cudurka halista ah ee
fayraska COVID 19

Sikastaba Dalalka Caalamka ayaa la daala dhacaya xakameynta Cudurkaan
waxaana dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo saartay awaamiir
looga hortagayo in cudurkaan uu dalka ku faafo iyada oo ay xusid mudan
tahay in Soomaaliya ilaa 5 qof laga helay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com