HomeUncategorized

Maamulka Degmada Bosaaso oo Amarro cusub soo saaray

Somalia, November 30, 2015-(Daljir)_ Duqa degmada Boosaaso Injineer Yasiin Mire Dacar ayaa amaro adag dul dhigay ganacsatada Magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga dawlada Puntland kuwaas oo uu sheegay inay Mar walba u nugul yihiin dab ka kaca suuqyada waa weyn ee Magaaladaasi.

Jihadi John oo ka Baxsaday Daacish
FAAH-FAAHIN: Is-casilaadda Gudoomiyihii Barlamaanka Puntland (Dhagayso)
Golaha Wasiiradda oo kulan amaanka iyo digniintii Britan looga hadlayo ku yeeshay Muqdisho

Somalia, November 30, 2015-(Daljir)_ Duqa degmada Boosaaso Injineer Yasiin Mire Dacar ayaa amaro adag dul dhigay ganacsatada Magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga dawlada Puntland kuwaas oo uu sheegay inay Mar walba u nugul yihiin dab ka kaca suuqyada waa weyn ee Magaaladaasi.

Yasiin Mire Dacar oo ka hadlayey goob Magaalada Boosaso ah oo xalay dab ka kacay ayaa ganacsatada ugu baaqay inay layimaadaan qalabka lagu damiyo dabka oo dukaan walba ay dhigaan isagoo sheegay inay taasi yaraynayso inuu dabku waxyeelo badan u gaysto hantida qofka ganacsada ah.

Duqa Boosaaso ayaa dhankale fariin u diray Shirkadaha waa weyn ee ka hawl gala gudaha Magaalada Boosaso iyo degmooyinka kale ee hoos yimaada gobolka bari isagoo sheegay goobkasta hadii laga helo haama dabka lagu damiyo inuu yaraanayo khasaaraha uu gaysanayo dabka ka kaca gudaha gobolka Bari.

Hadalka duqa degmada boosaso ayaa kusoo aadaya iyadoo xalay goob ganacsi uu ka kacay dab isla markaana uu socdaal ku tagay waxaana uu sidoo kale carabka ku dhuftay inaysan degmadu ay waynaatay aysana jirin wax gaadiida ah oo si deg deg ah loogu gaarsiin karo.

By: Jaamac Abdurahman

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: