Wasiirka Cadaaladda Puntland oo Warbixin siiyay Jaaliyadda Puntland ee Yemen

Somalia, November 30, 2015-(Daljir)_Wasiirka Cadaalada Puntland Mudane Saalax xabiib jaamac oo maalmahaan howlo shaqo ku joogay Magaalada Copenhegan ee Caasimada Denmark ayaa magaala madaxda labaad ee wadankaasi ee  Aarhus, kula kulmay jaaliyadda Puntland ee Denmark.

Mudane Saalax ayaa jaaliyadda warbixin kasiiyey Xaalada guud ee Dalka Soomaaliya isagoo si gaarana uga warbixiyey guud ahaan Puntland iyo waliba wasaaradiisa Cadaalada Adeegyadeeda ay Bulshada u qabato, wuxuuna jaaliyadda ku booriyey inay ka qayb qaataan horumarada wadanka.

Munaasabadda lagu soodhoweynayey Wasiirka oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Puntland ee Waqooyoga Denmark ayaa waxaa Wasiirka Xaflada kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Jaaliyada Saciid Daahir Dhimbil oo Wasiirka warbixin guud kasiiyey Dalka Denmark iyo Jaaliyada Puntland ee Denmark ku nool, waxaana uu sheegay inay dalka ka warhayaan.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com