Maamulka DDS oo shacabka ugu baaqay in ay guryahooda joogaan

Maamulka DDS oo shacabka ugu baaqay in ay guryahooda joogaan

Ayada oo ay sii kordhayaan welwelka COVID-19, ayaa maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) waxa ay maanta bulshada ku wargaliyeen in shacabku ay guriyahooda ku sugnaadaan, oo aanay u soo bixin suuqyada, marka laga reebo shaqaalada daruuriga ah, sida:

  • Shaqaalaha caafimaadka
  • Shaqaalaha biyaha
  • Shaqaalaha korontada
  • Ha’ayadaha ammaanka
  • Ethio Telecom (ET)
  • Taraafikada &
  • Warbaahinta

Sidoo kale, go’aan ka soo baxay Xafiiska Raysul Wasaaraha Itoobiya ayaa laga bilaabo maanta oo bisha MAGABIT tahay 30/7/2012, Taariikhda Itoobiya, si looga hortago, loona xakameeyo cudurka COVID-19 in la joojiyey guud ahaanba isu socodka gaadiidka dalka, ha ahaato mid soo galaya iyo gaadiidka  gudahaba.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com