HomeUncategorized

Maamulada Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed oo ka Heshiiyay Khilaaf ka Dhex-jiray

Sabti, Janaayo 09, 2016 (Daljir) —Ra’iisul wasaaraha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta muqdisho ku dhex dhaxaadiyey labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Koonfur galbeed oo waayadan is khilaafsana.

Gudoomiye Jawaari,*Madasha waqtigeedii waa dhammaaday kulana kalama yeelan xaalka Galmudug*.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamaanka Somalia oo Soo Gaaray Puntland
Shirkii IGAD oo maantay kusoo dhammaaday Addis Ababa, laga soo saaray 25 qodob oo u badan arrimaha Soomaaliya.

Sabti, Janaayo 09, 2016 (Daljir) —Ra’iisul wasaaraha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta muqdisho ku dhex dhaxaadiyey labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Koonfur galbeed oo waayadan is khilaafsana.

Kulanka dhex dhaxaadinta oo ka dhaca Garoonka diyaarada ee Aadan Cadde.ayuu Ra’iisul wasaaruhu ku xaliyey muran ka dhex jiray Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan.

Khilaafka labada Masuul ayaa yimi markii ay bilaabatay soo xulista baarlamaanka Koonfur galbeed oo beelaha qaarkood ay ku qanci wayeen,waxaana uu sii xoogaystay markii maamulka laga dhisay gobolka Bakool taageero u muujisay Jubbaland.

Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan ayaana horay u sheegay inuusan tagayn Kismaayo oo lagu qabanayo shirka looga hadlayo doorashada Soomaaliya ee sanadkan.

Cumar Cabdirashiid ayaana ku qanciyey Shariifka inuu Kismaayo yimaado 11 January oo Shirku dhacayo,wuxuuna dib uga dhacay 10 bisha oo la qaban lahaa.

Labada dhinac ayaa si wadajir ah u sheegay inay diyaar uyihiin wada hadal,waxayna dowladda Fadaraalka ugu baaqeen dhaamaynta waxyaabah mad madowga ah.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: