Madaxda Somalia oo la Kulmay Ardayda Jaamacadaha Puntland

Sabti, Janaayo 09, 2016 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 09-Jan-2016 hoolk shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso kula kulmay boqollaal arday oo wax ka-barta Jamaacadaha ku yaal magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo Maamulka iyo barayaasha Jaamacadda Bariga Afrika.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ardaydii kasoo qayb gashay kulanka uga sheekeeyey qiimaha ay leedahay wax-barashadu iyo doorka ay kaqaadan karto aqoontu dhismaha iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale ku boorriyey ardayda in ay dedaalkooda kor u qaadaan oo ay ahmiyad gaar ah siiyaan wax-barashada si’ay uga qayb qaataan horumarka dalka maadaama ay yihiin jiilkii beddeli lahaa jiilashii hore.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliy Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geestiisa ardayda uga sheekeeyey muhiimadda wax-barashadu leedahay isagoona xusay in waqtigiisa intiisa badna uu macalinnimo kusoo qatay isla markaana ay xiiso gaar ah u leedahay maanta inu halkaan kula kulmo arday aad u tira badan oo ka kala socda jaamacado kala duwan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyoguddomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi  ayaa intaasi kadib waxay Garoonka Caalamiga ah ee Bosaso International Airport kusii sagootiyeen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Waftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo u amba baxay magaalada Muqdisho.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com