HomeUncategorized

Maalinta haweenka adduunka ee 8-da Marso oo Soomaaliya laga xusay.

Somalia, Mar 08 - Waxaa maanta oo (Jimce ah) si weyn looga maamuusay dhulka Soomaaliya xuska maalinta siddeedda Maarso oo ah maalin loo aqoonsado haweenka dunida, sannadkasta xilligaan oo kale loo sameeyo dabaaldegyo daafaha caalamka ka dhaca.

DHAGAYSO: Habkii ay u Dhacday Doorashada Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso
Caawa iyo Daljir, arbaca, Jan 23,2013, Maxamuud Cabdi Ibraahim (Daljir Boosaaso)
DHEGEYSO-Gudoomiyaha barlamaanka oo kahadlay xildhibaanada aan weli la dooran.

?

Somalia, Mar 08 – Waxaa maanta oo (Jimce ah) ?si weyn looga maamuusay dhulka Soomaaliya xuska maalinta siddeedda Maarso oo ah maalin loo aqoonsado haweenka dunida, sannadkasta xilligaan oo kale loo sameeyo dabaaldegyo daafaha caalamka ka dhaca.
?
Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Garowe iyo meelo kale oo gudaha waddanka ka mid aha ayaa maanta laga sameeyey isku-soo-baxyo loogu dabaaldegayey xuska maalinta haweenka ee 8-da Maarso.
?
Xafladaha lagu maamuusay siddeedda Maarso ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya iyo caasimadaha Puntland iyo Somaliland, ?waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda federaalka, Puntland iyo Somaliland, kuwaasi oo iskugu dhafnaa madaxda hay’adaha, maamullada heer gobol iyo mid degmo iyo sidoo kale hoggaannada ururada haweenka.
?
Munaasabadahaasi waxaa looga warramay ahmiyadda maalintaani u leedahay haween weynaha caalamka, iyadooo sidoo kalena aad loo faaqiday xuquuqda dumar, u sinnaanta saamiyada aqoonta, shaqooyin iyo arrimo kale oo badan.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(G).

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: