Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 May oo Maanta La Xusayo

HomeWararka

Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 May oo Maanta La Xusayo

Qaybo badan oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa laga xusi doonaa 15-ka bisha May oo ku beegan maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed,

Waraysi: Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Puntland ee Degmada Burtinle Eng Maxamed Cabdirisaaq
Xulashada Daljir iyo Maxamed X Dhalo (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Qaybo badan oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa laga xusi doonaa 15-ka bisha May oo ku beegan maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, oo ahayd markii la aasaasay ururkii gobonimo doonka ee SYL.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xukuumada Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa la filayaa in maanta magaalada Muqdisho ay ku qabtaan munaasabdo lagu xusayo 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sidoo kale Aas aaska ururkii gobonima doonka ee SYL.

15-ka May waa maalin aad ugu qiimo badan Bulshada Soomaaliyeed Sanadkasto markii la gaaro Maanta oo kale waxaa dalka gudahiisa iyo dibaddiisa lagu qabtaa Munaasabado lagu Xusaayo maalinta dhalinyarada soomaaliyed iyo Dhalinyaradii SYL.

Dhanka kalena, deegaamada Puntland ayaa kamid ah meelaha laga xusi doono maanta maalintaan qaaliga ku ah umadda Soomaaliyeed een 15 May.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • nuur cade 7 years ago

    Somaliya in eynoqon donto mid isku kalson ilama ahan hadii ey sidaan kusii socoto

DISQUS: