Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Amiirka Wadanka Qadar-Sawirro

Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Amiirka Wadanka Qadar-Sawirro

Amiirka dowlada Qadar Shiikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani ayaa hotelka Sheraton ee magaalada Doxa ku qaabilay raisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga dalkaas.

Raisul wasaaraha ayaa guddoonsiiyey amiirka dhambaal gaar ah oo uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dowladaha Somalia iyo Qatar, iyadoo Amiirka dalkaas u balan-qaaday iney xoojiyayaan mashaariicda iyo taageerada ay siiyaan Somalia.

Raisul wasaare Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Doxa ka qeyb galay shirka 17-aad ee Doha Forum kaasoo lagu casuumay madax ka tirsan caalamka, waxaana khudbad uu shirkaas ka jeediyey raisul wasaaruhu kaga waramay xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia.

SAWIR

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com